Shirka deg dega ah ee Golaha Wasiirada Soomaaliya oo hada ka socda Xafiiska ra’iisal Wasaaraha Soomnaaliya ayaa xilkii looga qaaday Taliyaasha Ciidamada Booliska iyo Nabad sugidda Soomaaliya ee kala ah C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe iyo Gen C/xakiin Saciid Saacid.
Shirka golaha Wasiirada ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in xilalka ay baneeyeen Taliyaasha boliiska iyo Nabad sugida ay sii heyn doonaan kuxigeenadooda inta laga soo magacaabayo taliyaal cusub.
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sheegay in xilkii laga qaaday labada Mas’uul oo laf dhabar hay’adaha amaanka Dalka kadib qaraxyo ku soo laab laabtay magaalada Muqdisho.
Xubnaha Ku dhintay Howlgalka waxa kamid ah:
1. Cabdi Naasir Gaarane, oo ahaa Xildhibaan hore, hadana kamid ahaa Saraakiisha Gudiga Taakuleynta ciidamada dowladda.
2. Korneel Maxamed Yuusuf Nuur Fanax oo ahaa Taliyihii ciidamada Booliiska degmada Dayniile, waxaana la dhintay 10 ilaaladiisa ah.
3. Xasan Buufoow oo ahaa Korneel katirsan Nabadsugidda, una qaabilsanaa hogaanka Maaliyadda.
4. Gaashaanle Bootaan oo ahaa Taliye Booliis, waxaa la dhintay Istaafkiisa.
5. Madoobe Nuunoow oo ahaa Waziirkii arimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed, horayna xilal kala duwan usoo qabtay.
6. Zakariye Gaab oo ahaa La Taliyaha Waziirka Amniga ee dowladda Federaalka.
7. Maxamed Xasan oo kamid ahaa Xillbinaadii hore, wuxuuna dowladdii Xasan Sheekh kasoo noday Wasiiru dowle.
8. Qunsulkii Itoobiya u joogay Muqdisho oo lagu amgacaabo Abraha Welda ayaa kamid ah dadka la dilay.
9. Guuleed Muuse Maxamed Aadan oo ahaa taliyaha howlgalada Nabadsugida qeybta bari oo ah degmooyinka Yaaqshiid, Kaaraan, Shibis iyo Cabdi Casiis., waxaana xusid mudan inuu hogaaminayya ciidamada Dowladda ee dagaalka la galay ciidamada Alshabaab ee la wareegay hotel Naashablood.
10. Cumar Boonkeey oo ahaa Waziiru dowlaha Qorsheynta & Dib u dhiska maamulka Koonfur Galbeed.
11. General Cabdi Raxmaan Khaliif Dhicis oo ahaa La Taliyaha Abaanduulaha ciidamada dowladda federaalka.
12. Cabdi Faarax, Duqii hore ee magaalada Baladweyne, wuxuuna hadda xil ka raadsanayay maamulka Hirshabeelle.
13- Sidoo kale dadka dhintay waxaa ku jira 3 Ruux oo Turki ah, kuwaas oo kamid ahaa dadka ku sugnaa hotel Naasahablood 2.Dhaawacyada Inta Magacyadooda la hayo:
1. Shariif Cabdi Cali oo ahaa Taliyaha howlgelinta ciidamada Alpha Group,
2. Cumar Cabdalla, (Burunteey) oo ahaa Abaanduulaha guud ee Ciidamada Alpha Group.
3. Maxamed Xasan oo ahaa Taliyaha guutada Waran.
4. Fanax, Taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Kaxda.
5. Laba Ruux oo Turki ah ayaa kamid ah dadka ku dhaawacmay howlgalkii weynaa ee Naasahablood 2.