Home Afsomali Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la horgeeyay Rag loo haysto ka ganacsiga cunnooyin...

Maxkamadda Gobolka Banaadir oo la horgeeyay Rag loo haysto ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay

Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa maanta maxkamadda gobolka Banaadir hor geeyay sagaal eedeysane iyo shirkado loo haystay ka ganacsiga cunnooyin iyo cabitaanno dhacay, iyaga oo isticmaalaya jawaanno cusub iyo taariikho been ah.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay in Fal-dembiyeedkaas oo baaristiisa uu gacanta ku hayo Xafiiska Xeer-ilaali-yaha Guud ee Qaranka, marka ay baaristiisu soo dhammaato waxa uueeddooda u gudbin doonaa Maxkamadda awoodda u leh.

Xafiisku waxa uu digniin culus u diray cid kasta oo ku hawlan kaydinta iyo ka-ganacsiga cuntooyinka dhacay, kuwaas oo bulshada khatar wayn ku ah.

Ugu dambeyn, Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka ayaa bogaadiyay dadaallada hay’adaha amnigu ay kaga hortagayaan dadka caadaystay falalkaas gurracan, sidoo kale waxaa uu ku booriyay  bulshada Soomaaliyeed in ay la shaqeeyaanhay’adaha amniga sidii loo soo afjari lahaa falalkaas khatarta ku ah bulshada.

Todobaadyadii la soo dhaafay Xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka ayaa Maxkamadda Gobolka Banaadir waxaa uu u gudbinayay dad lagu eedeeyay dambiyo kala duwan kuwwas oo ay Ajaanib kamid yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.