Home Afsomali Dhageyso siyaasiga C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Badiyoow ) oo shacabka soomaaliyeed ku...

Dhageyso siyaasiga C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi (Badiyoow ) oo shacabka soomaaliyeed ku booriyey in ay taageeraan Go.aanka Dowlada dhexe ka qaadatay Khilaafka wadamada carbeyd

Iyadoo dowladda Federaalka Soomaaliya ay dhawaan  Go’aan dhex dhexaad ah ay ka qaadatay khilaafkii soo kala dhex galay Wadamada Khaliilka ayaa waxaa aad u soo dhaweeyay Bulshada Soomaaliyeed iyo waliba Siyaasiinta qaarkood.

 

 

Siyaasiga C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi(Badiyoow) oo dhowr mar iskusoo Sharaxay madaxtinimada Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Soomaliya Go’aanka ay ka qaaday khilaafka Wadamada Khaliifka u dhaxeeyay uu yahay mid geesinimo leh islamarkaana loo baahnaa.

Waxa uu hadalkiisa intaas ku daray in dalkeena haatan uu yahay weli mid burbursan balse go’aanka dowladda uu yahay mid lagu farxo loona baahan yahay dowladda Soomaaliya in ay samneyso arin xal u naqaneyso xiisadaas.

 Ugu dambeen waxa uu ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay dhamaantood siwadajir ah u taageeraan go’aanka ay qaadatay dowladooda.

Dhanka youtube ka

 https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.