Home Afsomali Dhegeyso Khudbadii Farmaajo iyo Siyaasiyiinta oo sir soo fatahay oo...

Dhegeyso Khudbadii Farmaajo iyo Siyaasiyiinta oo sir soo fatahay oo dhameystiran

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo Xalay ka qeyb galay Shir loogu Magac daray Daah-furka Ammaanka Muqdisho ayaa ka jeediyay Qudbad Dhinacyo badan taabaneysa,waxaana Madaxweynaha Soomaaliya uu Mar kale ku Celiyay in Dalku uu ku jiro Xaalad Dagaal islamarkaana Shacabka looga baahan yahay in ay Gacan siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya si looga guuleysto Al-shabaab.

Maxamed C/llaahi Farmaajo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale ka hadlay Arrimaha Siyaasadda,wuxuuna sheegay in markii la dhisay Xukumadda ay la kulantay Mucaarado dhinacyo badan ka imaaneysa islamarkaana taas ay keentay in Shabaab ay ka faa’ideysteen Mucaaradada ka jira Dhaxdeena.

Madxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Shakhsiyaadka mucaaradka ku ah DFS aysan ahayn wax cusub waxa uu sheegay in Shakhsiyaadkan marki la dhisayay dowladii isaga ka horeysay ay soo waceen ayna ka dalbadeen in uu noqdo mucaarad xilligaas oo uu sheegay in uu ka diiday madaama ay Dowladda cusbayd waqtigaas.

Hoos ka dhagayso Khudbadda Madaxweynaha.

Farmaajo ayaa sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin kuwo Wanaagsan,iyadoo ay ku dhex jireen Danleey maalin kastana ka horimaaneysa Hormarka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.