Home Afsomali Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Beledweyne

Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay duleedka Beledweyne

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida lagula eegtay degaanka Ceeljaale ee duleedka Magaalada Beledweyne, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qof goobjooge ah ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay Hal askari oo ka tirsan Ciidamada Nabadaugida halka mid kale uu ku dhaawacmay.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in Ciifamada qaraxa lala beegsaday ay fureen rasaas farabadan taas oo aan la xaqiinin wax khasaaro ah oo ka dhashay, sidoo kale Ciidamada ay sameeyewn howlgallo baaritaano ah.

Askariga ku dhintay iyo midka ku dhaawacmay qaraxa Miino ayaa waxaa la keenay Gudaha Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.