Home Afsomali Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha hoose

Dhimasho iyo dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Shabeellaha hoose

 

Qaraxa oo ahaa miinada nooca dhulka lagu Aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa Maanta waxa uu ka dhacay inta u dhaxeeysa degaannada Sabiid iyo Cabdow dibile oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Qaraxa ayaa qabsaday Mootada labada lug leh ee Fekon, waxaana ku dhintay wadihii Mootada oo Shacab ahaa halka uu ku dhaawacmay askari katirsan Ciidamada dowladda oo mootada saarnaa.

Goobjooge ku sugan goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa sheegay in qaraxa kadib goobta ay gaareen ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaas oo halkaasi ka qaaday meydka qofka Shacabka ah iyo dhaawaca Askariga, iyaga oo geeyay degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda ayaa muddo saacad ah hakad geliyay isku socodka dadka iyo Gaadiidka wadada u dhaxeeysa degaannada Sabiid iyo Cabdow dibile oo hoostaga degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose wallpw markii dambe ay dib u fureen.

Dhowr jeer ayaa sidaan oo kale qaraxyo miino waxaa lagula eegtay Ciidamo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya wadada xiriirisa degaannada Sabiid iyo Cabdow Dibile oo hoostaga degmada Afgooye, halkaas oo ay inta badan maraan Ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.