Home Afsomali Dhulka somalia oo laga soo saarayo 6-8 Trillion -Mitir Saddex Jibaaran (Cubic...

Dhulka somalia oo laga soo saarayo 6-8 Trillion -Mitir Saddex Jibaaran (Cubic Meters) oo saliid ceyriin ah —hadaba imisa ayaan ku yeelan karnaa ?.

.

Ethiopia oo shidaalkii ugu horeeyey ka soo saaratay dhulka Soomaalidu degto ee kilinka 5 naad.
Ethiopia ayaa markii ugu horeysay bilowday soo saaritaanka saliid Ceriin ah iyo shidaal dibiici ah waxaana laga soo saaray deegaanada dhaca bariga dalkaasi ee Kalub iyo Hilaal kuwaa oo ka tirsan dhulka Soomaalida dagto ee Ogaadeeniya.
Xafladda daahfurka soo saarista shidaalka waxaa ka soo qeyb galay Mas’uuliyiin kala duwan oo ka kala socda taliska Itoobiya iyo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya oo uu hogaaminayo Cabdi Ileey iyo masuuliyiinta shirkadda Shiinaha laga leeyahay ee Poly-GCL, waxaana si tijaabo ah loo soo saaray 150 foosto oo shidaal ah.

Sida uu sheegay Wasiirka Macdanta deegaanka shidaalka laga qadayo waxaa laga heli karaa 6-8 Trillion -Mitir Saddex Jibaaran (Cubic Meters) oo saliid ceyriin ah.

Shirkadda mashruuca qaadatay ee Poly-GCL waxay billaabaysaa inay soo saarto 450 fuusto oo shidaal cayriin ah maalin kasta, waxaana la filayaa in intaas laga sii badiyo

Ra’’isul wasaaraha Itoobiya Abyi Ahmed ayaa ka dhabeeyey hergelinta soo saarista shidaal dabiici ah oo markii ugu horeysay Itoobiya sameyso sida uu kal hore ku dhawaaqay.

Soo saaritsa saliida shidaalka waxeey si dardar leh u socon doontaa labada sano ee soo socota oo maanta la bilaabay sida uu bartiisa Twitter-ka ku daabacay Fitsum Arega oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Ra’isul wasaaraha Itoobiya.

Itoobiya waxay dhaqaale ahaan u heli doontaa 8 bilyan oo doollar sannadkiiba mar haddii ay bilawdo dhoofinta saliida, sida laga soo xigtay Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Ethiopia.
Hadaba su’aashu waxa ay tahay Itoobiya Shidaal maka qodi kartaa heshiis la’aan dhulka lagu mursanyahay ee Soomaaliya Iyo Itoobiya isku heystaan oo labada wadan ay ku dagaalameen sanadihii 1964tii & 1977dii?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.