Home Afsomali Digfeer hospital oo adeega bukaanada qancin waayey

Digfeer hospital oo adeega bukaanada qancin waayey

 

Waxani isbitaal ma, ahan waa uun magac u yaal ummada lagu hungaynayo, waxaan idiinka digayaa in aydan ku hungoobin Isbitaalka Degfeer waxaa kaliya oo kaaga dhumaya wakhti.

Hadaad u tagto xaalad dag dag ah iyada oo aan waxba laguu qaban oo aadanba la kulmin wax dhaqtar ah ayaad ku qasbanaan doontaa in aad aado isbitaal kale.

Shaqaalaha joogaa boqolkiiba sagaashan waa ciyaal tababar ku jira oon aqoon waxa ay sameynayaan. Maamul xumo aad u wayn ayaa ka jirta isdaba yaac iyo nidaam xumo ayaad kala kulmaysaa.

Waa meel ummada lagu siray iyo magac cidlo ah, Waayo shaqaalaha joogaa waa kuwa juhulo ah , oon aqoon sida loola tacaalo bukaanada , maamul xumada iyo isdaba yaaca iyo qaylada iyo hanjaabada iyo waxa ka dhex socda waa wax aad looga xishoodo.

Xaalad kasta ood ku sugan tahay marna ma arki doontid dhaqtar taqasus u leh, xanuunka aad ka cabanayso.

Shacab iyo dowladba isbitaalkan waa meel aad loogu bahdilay qabkii soomaaliga ahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.