Home Afsomali Donald Trump oo lagu soo oogay dembi ka culus kuwii horey loogu...

Donald Trump oo lagu soo oogay dembi ka culus kuwii horey loogu heystay

Kooxda ololaha doorashada ee Donald Trump ayaa sheegtay in dambiyadii ugu dambeeyay ee lagu soo oogay Trump ay yihiin faragelin doorasho. Trump ayaa lagu wadaa in khamiista uu ka soo muuqdo maxkamad si uu u wajaho eedeymo la xiriira in uu qorsheynayay si uu meesha uga saaro codbixintii ugu dambeysay ee madaxtinimo.

Kooxdiisa Ololuhu waxay eedaymahaasi ku tilmaameen “ugaadhsi ka dhan ah Maraykannimada”, iyo in uu la mid yahay cadaadiskii lagu hayay Nazi-ga Jarmalka iyo Midowgii Sofiyeet.

Eedeynta ayaa lagu sheegay in Donald Trump uu ogaa in uu been sheegayay markii uu ka cabanayay wax isdaba marin lagu sameeyay codbixinta.

Lix eedaysane oo kale ayaa liiska ku jira. Si rasmi ah looma magacaabin, balse warbaahinta Mareykanka ayaa sheegtay in uu ku jiro qareenkii hore ee Trump, Rudy Giuliani.

Trump weli waa musharrax madaxweyne mana jiro sharci ku qasbaya in uu musharraxu aqbalo in laga guulaystay, taas oo hadii ay jiri lahayd Trump ka hor istaagi lahayd musharraxnimada doorashada soo socota ee Maraykanka.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.