Magaalada Kismaayo ee Xarunta KMG ah ee dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa hadda ka socota doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay degaannada Jubbaland.
Cadar Xareed Jibriil ayaa hab gacan taag ah ugu guuleysatay doorashada kursiga HOP 132, Kadib markii ay tanaasushay Musharax Ifraax Cabdiqani Yuusuf oo la tartameysay , waxaana Cadar Xareed Jibriil u codeeysay 98 Ruux.
Kursigan Hop#132 ayaa waxaa horay ugu fadhiyayIbraahim Maxamed Xuseen (Buulle), waxaana qorshuhu yahay in Maanta Magaalada Kismaayo lagu doorto ilaa Saddex Kursi.