Home Afsomali Doorashii Galmudug oo ku bilaabatay in odoyaal liis ku oqran ay soo...

Doorashii Galmudug oo ku bilaabatay in odoyaal liis ku oqran ay soo xulaan xildhibaanada baarlamaankaas sideyda oo kale hadaad nabadoonkaaga la dagaashan tahay iska Joog

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdi Maxamed Sabriye ayaa liiska odayaasha soo xulaya baarlamaanka Galmudug ku wareejiyey guddiga farsamada ee maamulkaasi.

Liiska oo ka kooban 44 oday dhameed ayaa waxaa lagu wadaa in isla maanta la xareeyo, si ay u guda galaan saxiixooda baarlamaanka.

Guddiga ayaa sheegay in odayaasha looga baahan yahay inay dardar galiyaan waajibaadka shaqo ee loo igmaday, si aysan dib ugu dhacin doorashada baarlamaanka.

Bisha December ee soo socota ayaa qorshuhu yahay inay dhacaan doorashooyinka Galmudug oo isugu jira mida madaxweynaha iyo baarlamaanka ee maamulkaasi.

Arrimahan ayaa ku soo aadaya, iyadoo weli ay taagan tahay tabashada Ahlu Sunna oo dhaq dhaqaaq siyaasadeed ka wada magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.