Home Afsomali Dowlada oo beenisay in uu baaqday shirkii wadamada IGDA uga furmayey Magaalada...

Dowlada oo beenisay in uu baaqday shirkii wadamada IGDA uga furmayey Magaalada Muqdisho

shirka-igad

– Madaxda waddamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD ayaa laguu wadaa inay markii ugu horeysay ay magaalada Muqdisho ku qabtaan shir madaxeedkooda, tan iyo markiii ururkan la aasaasay 1986-kii.

Shir madaxeedkan oo saaka furmaya ayaa waxaaa ka qeybgalaya toddobada waddan ee ururka xubnaha ka ah ee kala ah: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Jamhuuriyadda, Djibouti, Jamhuuriyadda Ethiopia, Jamhuuriyadda Kenya, Jamhuuriyadda Koonfuurta Suudaan, Jamhuuriyadda Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Uganda.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheeegay in shir madaxeedka ajendaha looga doodii doono ay ka mid yihiin xasaradda ka aloosan Koonfuurta Suudaan, arrimaha diyaargarowga doorashada Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira iskaashiga iyo wax wadaqabsiga waddamada IGAD xubnaha ka ah.

‘’Tani waa fursad dahabi ah oo Soomaaliya soo marta. Martigelinta shir heerkiisu sareeyo, sida kulan madaxeedkan IGAD, waxay daliil u tahay in waddamada gobolka iyo beesha caalamka ay garowsadeen horumarka ay Soomaaliya ka sameyneyso dhinaca dowlad dhisidda iyo nabad soo celinta. Waxaan shacabka Soomaaliyeed ku bogaadinayaa sida ay uga go’an tahay inay gacan ka geystaan in dalkeena uu dib u soo ceshto sumcaddii iyo sharaftii uu ku lahaa beesha caalamka’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

—————————DHAMMAAD——————————

Dowlada Soomaaliya oo waxba kama jiraan Been abuur ah ku tilmaantay warqad la sheegay in ay ka soo baxday xafiiska IGAD ee dalka Djabouti

Saraakiil ka tirsan Masuulyiinta wasaarada arimaha dibada oo warqadaas aqristay ayaa sheegay in ay tahay been aan sal iyo raad laheyn warqada internetka lagu faafiyey oo shegeysay in uu baaqday shirkii ama ay baajiyeen safarkoodii qaar ka mid ah madaxweynayaasha wadamada IGAD ee shirka ka qeybgali lahaa

Warqada ayaa saacado ka hor lagu faafiyay baraha bulshada, waxaana  ku saxiixnaa Xogheynta Urur goboleedka IGAD, iyadoo dad badan ay siyaabo kala duwan uga hadleen arrintan.

warqada-la-beeniyey

Sidoo kale ilo ku dhow dhow Wakiilka Urur Goboleedka IGAD u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afey ayaa xaqiijinaya in arrintan waxba ka jirin, warqada soo baxdayna aanay aheyn mid rasmi ah, ayna tahay mid la mala-awaalay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay xaqiijisay ammaanka magaalada Muqdisho, iyadoo la xiray waddooyinka qaar, si loo adkeeyo ammaanka halka shirka ka dhacayo.

1 COMMENT

Leave a Reply to Maxamed Axmed Maxamuud Alneni Cancel reply

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.