Home Afsomali Dowlada oo meeleysay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka KG

Dowlada oo meeleysay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka KG

Ra’iisul Wasaare khayre oo magacaabay wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa DR C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye u magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Degreeto ka soo baxday xafiiska raiisul wasaaraha Dalka oo nuqul kamid ah la soo gaarsiiyay Warbaahinta Qaranka ayaa lagu magacaabay Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye in uu noqdo wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya.

Wuxuu bedelayaa Daahir Cabdi Cabdullaahi (Dr Go) oo horeyju haayay xilkaasi wasiiru dowlanimo.

Dr C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye wuxuu horey u ahaa guddoomiyihii golaha Wakiiladda ee dowlad gobaleedka Koonfur Galbeed,xilkaasi oo dhawaana loo doortay Amb Cali Siciid Fiqi oo horey u ahaa isna Danjirihii Soomaaliya ee Midowga Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.