Home Afsomali Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Sarkaal katirsan Al-Shabaab

Ciidanka DANAB oo howlgal ku qabtay Sarkaal katirsan Al-Shabaab

Ciidanka sida gaarka uTababaran ee Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed Gaar ahaan Ururka 4-aad Guutada 16-aad ayaa howlgal Qorshaysan ka sameeyey degaanka baleey oo qiyaastii u jira 6 km degaanka Caliyoow Barow Ee Gobolka Shabeellaha Hoose

Ujeedka hawlgalka ayaa waxaa lagu sheegay in uu ahaa mid Qorshaysan oo ka dhan ahaa Ururka  Al-Shabaab oo mararka qaar lagu arko degaannada howlgalka laga sameeyay.

Saraakiisha Ciidanka Kimaandooska DANAB ayaa sheegay in intii howlgalku uu socday ciidanka ay u suurta gashay inay gacanta ku dhigaan Sarkaalkii Al-Shabaab u qaabilsan dhanka miinooyinka deegannada Caliyoow Baaroow, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Macalin Yaxye.

Sidoo kale Saraakiisha waxaa ay sheegeen inay howlgalka si wadi doonaan ilaa iyo inta degaannadaas ay ka saarayaan Al-Shabaab, waxaayna ugu baaqeen Shacabka inay la soo wadaan xogaha ku saabsan Al-Shabaab.

Ciidanka Kumaandooska DANAB ayaa sijoogto ah howlgallo uga sameeya degaannada Gobolada Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe, hayeeshee mararka qaar ay weeraro kala kulmaan Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.