Home Afsomali Dowlada Soomaaliya oo Wafdi Sucuudiga ugu dirtay Arimaha Xajka iyo Iibka...

Dowlada Soomaaliya oo Wafdi Sucuudiga ugu dirtay Arimaha Xajka iyo Iibka Xoolaha

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS),  Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ay wehliyaan wasiirada maaliyadda iyo xanaanada xoolaha ayaa maanta dalka Sacuudiga ugu u ambabaxay casuumaad rasmi ah.
Wasiirka Maaliyadda XFS  Cabdiraxmaan Ducaale Bayle oo ka warbixiyay qorshaha safarka ayaa carabka ku dhuftay in dowladda Sacuudiga ay kala hadli doonaan arrimaha Deyn Cafinta, kabka dhaqaalaheenna, Dhoofinta Xoolaheenna iyo sidii acmaasha Xajka loogu fududeyn lahaa mawaadiniinta Soomaaliyeed.
Tubta horumarinta dhaqaalaha oo kamid ah afarta tubood ee lagu saleeyay shaqooyinka dawladda ayaa halbeegyadeeda ugu waawayn ee sannadkaan la doonayo in lagu fuliyo, waxaa qayb ka ah arrinta cafinta daynta lagu leeyahay dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.