Home Afsomali Dowladaha soomaaliya iyo sacuudiga oo kala saxiixday heshiisyo Soomaaliya looga hirgalinayo mashaariic...

Dowladaha soomaaliya iyo sacuudiga oo kala saxiixday heshiisyo Soomaaliya looga hirgalinayo mashaariic horumarineyd iyo Shirkad ajnabi ah oo la siiyey qandaraas 48 bil lagu dhameynaayo

Warar hoose oo ayaa shaagaya in  Magaalada Muqdisho  heshiisyo waaweyn ay ku  kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya.

Heshiisyada ay galeen labada dowladood ayaa la sheegay in ay qeyb ka yihiin in boqortooyada Sacuudi Carabiya ay qeyb libaax leh ka qaadan doonto dib u dhiska dalka iyada oo hir gelinayso mashaariicyo cusub sidoo kale ay dib u dayac tiri doonto wadooyin muhiim ah.

Dowladda Sacuudiga ayaa dalka ka hirgelineysa mashaariic isugu jirta dhismaha garoon_diyaaradeed oo laga dhisi doono duleedka bari magaalada Muqdisho, dhismaha waddooyin cudub iyo wadooyin hore oo dib loo dayac tiri doono, isbitaalo, iskuulo, xarumo dowladeed iyo sidoo kale goobo wax barasho.

Shirkado laga leeyahay dalkaasi shiinaha ayaa la sheegay in qandaraas lagu siin doono fulinta mashaariicda,

Fulinta Mashaariicdan ayaa la sheegay in uu qorshuhu yahay in 48 bilood lagu dhameeyo sida aynu ku helnay ilo lagu kalsoonaan karo Gudaha Magaalada Muqdisho.

Xiriirka labada dowladood ee Soomaaliya iyo Sacuudiga ayaa ah mid soo jireyna ah hayeeshee waxa waqtiyadii danbe soo kala dhex galay muran ku salaysan khilaafka u dhaxeeya Dowladda yare e Qadar iyo xulafada uu hor kacayo Boqortooyada Sacuudiga khkilaafkas oo dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka qaadatay go’aan dhex dhexaad ah.

Si kastaba heshiiska ay wada gaareen labada Dowladod ayaa ah mid waxtar u leh bulshada soomaaliyeed iyo guud ahaan dib u dhiska dalka.

dhawaan ayey aheyd markii xukuumada RW Kheyre ay sacuudiga uga mahacelineysay 50 malyuun oo doolar oo ay ka heshay Boqortooyada dalkaasi 

Previous articleDhageyso Cida ka danbeysay Xariga siyaasiinta Puntland iyo sababta xabsiga loo dhigay
Next articleVIDEO Tacsida Madaxweyna oo ku dhawaaqay sadax maalin oo baroordiiq ah iyo calanka hoos loo dhigo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.