Home Afsomali Dowladda oo fursad cusub siineysa xubnaha Al Shabaab ee doonaya in ay...

Dowladda oo fursad cusub siineysa xubnaha Al Shabaab ee doonaya in ay soo baxsadaan

Xarunta Qaran ee kahortaga iyo ladagaalanka Fikradaha Xagjirka ah ee Tubsan ayaa ugu baaqday dagaallamayaasha Al Shabaab in ay ka faa’iideystaan xeerka cafiska iskuna soo dhiibaan dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay xarunta Qaran ee Tubsan ayaa lagu war-galiyay dhammaan xubanaha ka tiran Al Shabaab ee doonaya in ay dowlada isku soo dhiibaan kana baxaan kooxdaasi in ay lasoo xiriiraan numbero gaar ah oo loogu talagalay si loo caawiyo.

Xarunta Tubsan ayaa sheegtay in xubnaha go’aansada in ay kasoo baxaan Al Shabaab la siinayo fursado cusub ay uga mid noqon karaan bulshada caadiga ah, waa haddii ay kasoo baxaan kooxda Al Shabaab ee hadda katirsan yihiin.

 

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.