Home Afsomali Dowladda oo shaacisay inay xirtay in ka badan 500 Barood oo Al-Shabaab...

Dowladda oo shaacisay inay xirtay in ka badan 500 Barood oo Al-Shabaab wax ku faafin jireen

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cadiraxmaan Yuusuf ( Alcadaalla) ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ku guuleystay inay xirto Baro ay Internet-ka kulahaayeen Ururka Al-Shabaab, kuan faafin jireen wararkooda.

Qoraal dheer oo uu soo saray Wasiir kuxigeenka ayaa waxaa uu ku sheegay in dadka Soomaaliyeed ay si joogta ah ula soo wadaageen Baro ay Al-Shabaab ku lahaayeen Internet-ka, isla markaana dowladda ay ku guuleysatay inay xirto in ka badan 500 oo Barood, kuwaas oo  isugu jira Aaladaha Warbaahinta Bulshada ee Facebook,Twitter, Telegram iyo TikTok.

Hoos Ka Akhriso Qoraalka Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cadiraxmaan Yuusuf ( Alcadaalla)

Shacabka Soomaaliyeed waxaan idinkaga mahadcelinaynaa sida joogtada ah ee aad noola soo wadaagaysaan Bogaga Khawaarijtu ay isku dayayaan in ay si dhuumaalaysi ah ugu faafiyaan Afkaartooda Habawsan.

Waxaan ogaysiinaynaa Shacabkeenna Sharafta leh in Xogta aad nala soo wadaagtaan aan markiiba ka jawaabno innaga oo si joogto ah u xirna hadba halka ay isku dayaan Khawaarijtu in ay ku dhuuntaan.

Ilaa intii aan ku bilawnay hawlgalka aan ku joojinayno Baraha ay isticmaasho Khawaarijtu, waxaan xirnay in ka badan Shan boqol oo fadhi oo ay ku kala lahaayeen Aaladaha Warbaahinta Bulshada ee Facebook,Twitter, Telegram iyo TikTok

Runtii inta ugu badan barahaas aan xirnay waa kuwii aad nala wadaagteen walaalayaal oo aan si Maalinle ah u ugaarsanno.

Aad ayay Inoo dhiirigalinaysaa sida aad innoola wadaagaysaan god kasta oo ay isku dayaan in ay ku dhuuntaan, aadna waan idinkaga mahadcelinaynaa Walaalayaal.

Tani waxeey muujinaysaa sida dhaqsaha ah ee marka aan wada-shaqayno aan uga guulaysankarno Khawaarijta.

Joojinta Faafinta Fikirka Khawaarijka ah wuxuu ka badbaadinayaa Ubadkeenna in ay noqdaan Bambooyin Qarxa.

Mahadsanidiin markasta Shacabkeenna Sharafta badan.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay ugu dhawaaqday inay xireyso Baraha Internet-ka oo ay wax ku faafiyaan Al-Shabaab, iyaga oo Shacabka ka codsaday inay u soo gudbiyaan dowladda hadii ay arkaan Barahaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.