Ciidamadda Qalabka Sida gaar ahaan Ciidanka Millateriga, Booliiska gaarka ah ee Haramcad iyo Ciidanka NISA ayaa howlgal wada jir ah ka fuliyay tuulooyinka saaran Wabiga Shabeelle.
Ciidamada ayaa howlgaada waxaa ay aigaar ah uga fuliyeen degaannada Laanqeerta, Tokyo, Ceel-Jaalle, Beerta Cali Mahdi, Boolo Fooliyo, kuwaas oo shamaangood ku yaal jiinga Wabiga Shabeelle ee dhinaca soo xigta Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha Ciidamada hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in Goobaha qaar howlgallada laga fuliyay ay kuyaaleen Maxkamado ay lahaayeen Al-Shabaab.
Sidoo kale Saraakiishu waxaa ay sheegeen in howlgalka lagu dilay Xubno ka tirsan Al-Shabaab,
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa dhowr jeer waxaa ay howlgallo kala duwan ka sameeyaan degaano ka tirsan labada Shabeelle.