Dowladda Soomaaliya hakisay oo shaqadii ka joojisay Shirkad Shiidaal baaris ka bilowday gobolada waqooyi ee Somaliland.
War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya ayaa digniin loogu diray Shirkadda lagu magacaabo Genel Energy PLC “Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay si cad u diidday sheegashada Shirkadda Genel Energy PLC ee ah in ay leedahay xuquuqda batroolka gobollada Waqooyi ee Soomaaliya, waxayna ugu baaqaysaa shirkadda Genel Energy PLC inay joojiso fulinta hawl-gal shidaal oo xadgudub ku ah Madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, iyo midnimada,” ayaa lgu yidhi qoraalka Wasaaradda.
Shirkadda Genel Energy ayaa Somaliland kula jirta heshiis ah inay shidaalkii ugu horreeyay kasoo saarto Somaliland. Sida qorshuhu yahay, sannadka 2023.