Home Afsomali Dowladda Soomaaliya Oo Deeq-Bixiyeyaasha Caalamka Ka Dalbatay Jawaab Deg-Deg Ah

Dowladda Soomaaliya Oo Deeq-Bixiyeyaasha Caalamka Ka Dalbatay Jawaab Deg-Deg Ah

Ergayga Madaxweynaha Soomaaliyeed ee arrimaha Gargaarka Bani’danimda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kulan la qaatay deeq-bixiyeyaasha Caalamka ayaa  ku boorriyey in ay deg-deg uga jawaabaan gurmadka abaaraha laga cabsi qabo in ay isku beddalaan macluul.

Ergeyga ayaa hoosta ka xarriiqay in Soomaaliya ay u baahan tahay in lagu gacan siiyo sidii ay khayraadkeeda uga faa’iidaysan lahayd,taas oo xal u noqon karta abaaraha ku soo noqnoqday.

Ugu danbayn Ergayga ayaa u mahadceliyey dawladihii deeqda yaboohay, gaar ahaan dawlada Maraykanka oo ku deeqday $150 Malyan oo deeq horleh ah.

Shirka oo diiradda lagu saaray ka jawaabista abaaraha Geeska Afrika ka jira ayaa waxaa wadajir u soo qabanqaabiyey dawaladaha Talyaaniga, Maraykanka, Ingiriiska,Qatar iyo Qaramada Midoobay,

Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay in ka badan 30 dawladood,ururka Islaamka, Jaamcada Carabta, Midowga Afrika, iyo hay’adaha Qaramada Midoobay u qaabbilsan arrimaha gargaarka Caalamiga ah,USAID, Ingiriiska,Talyaaniga,Qatar iyo Ku xigeenka xogyaha Guud ee Qaramada Midoobay arrimaha gargaarka bani’aadamnimada iyo gurmadka deg-degga ah,iyo sidoo kale madaxda hay’adaha Oxform, ICRC,WFP, IOM iyo IRC.

Previous articleGuddoomiye Madaale “Ma Aqbalayno Muqdisho Inay Noqoto Magaalo Fasahaad Ah”
Next articlelaamaha Amniga oo Muqdisho ku burburiyay waxyaabaha Maanka dooriya

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.