Home Afsomali Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Sh/Hoose & faah faahin laga helayo

Duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay Sh/Hoose & faah faahin laga helayo

Diyaarado dagaal ayaa waxaa la sheegay inay xalay Saqdii dhexe duqeymo culus ka fuliyeen degaanka Toora-tooroow oo katirsan Gobolka Shabeellaha Hoose  halkaas oo siweyn ugu xoogan yihiin dagaalamayaal katirsan Ururka Al-Shabaab.

Goobjoogayaal diiday in Magacooda iyo codkooda loo adeegsado qalabka Warbaahinta ayaa sheegay in laba diyaaradood ay duqeeyeen Xarumo ay ku Shaqeeynayeen Al-Shabaab oo kuyaalla degaanka Toora-tooroow, balse aysan xaqiijin karin khasaaraha ka dhashay duqeynta.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in mid kamid ah diyaaradaha ay ku degtay degaanka Toora-toorow, isla markaana ay Ciidamadii saarnaa wateen ku dhawaad 10 Ruux oo ku sugnaa degaanka, iyaga oo ku eedeynaya inay katirsan yihiin Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ayaan weli ka hadlin duqeynta ka dhacday degaanka Toora-tooroow, hayeeshee inta badan duqeymaha ka dhanka ah Al-Shabaab ayaa waxaa Soomaaliya ka fuliya Mareykanka, kaas oo dib ka faah faahiya duqeymaha ay fuliyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.