Home Afsomali Duuliye Asli Xasan Cabaade oo wacad ku martay in ay burburin doonto...

Duuliye Asli Xasan Cabaade oo wacad ku martay in ay burburin doonto Awooda Ciidanka cirka kenya

WALLEE KENYA NAMA TAQAAN

Our Flag does not fly because the wind moves it, it flies with the last breath of each soldier who died protecting it.
It is my nature to be kind, gentle and humane, but remember, when it comes to matters of protecting my Country and my People,
Fear me! For I’m also the most deadliest one, who is powerful and relentless.

Diyaar-garoowgii Ciidanka Cirka Soomaaliyeed ee ugu dambeeyay.
Sanka-Dhuudhi nama taqaan, laakiin wayna baran doonaan.
Kenyooy, waannu soo soconnaa, Ciidankii Cirka Soomaaliyeed oo heegan ahbaa ku soo hujuumi doona, ee xaggeed gali doontaa?.
Cashar adag oo lama’ illaawaanna waannu kuu dhigiye, waadna ka shallaayi doontaaye, Cagaha dhulka dhig, guuxaagaad ka dheereyneysaaye, dib uga joogso Hawadayada, waa midaad ku hungoobi doonta’e.
Wallee Nama taqaannide, dib u raac Taariikhdii aannu ku dhignay Dariskaaga oo kaa Awood waynaa, kuwaasoo ahaa Dhergigii foosha xumaa, ee aannu liqsiinnay Darsin lama’ illaawaan ah.
Annagoo ah Dumarka Soomaaliyeed ayaa kugu filan.
Raggayaguna farahooda way kaala faanayaane, sidaa u ogoow, waxbaad moogtahaye.

Axyaa Waddanii Yaa Soomaali Aheey Axyaa Waddanii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.