Home Afsomali Eedeysanayaa isbaaro ay dhigteen dil iyo dha ka geystay oo xukun lagu...

Eedeysanayaa isbaaro ay dhigteen dil iyo dha ka geystay oo xukun lagu riday

Maxkamadda Derejada koobaad ayaa Maanta Labada eedeysane oo horay ugu tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ku ridday xukunno kala duwan, markii Jid-gooyo ay iyagu dhigteen ku dileen Laba Nin oo uu midkood ahaa wadaha Gaariga.

 

Eedeysanayaasha kala ah, Dable Xoogga, Xasan Maxamed Cabdulle iyo Dable Xoogga Maxamed Cadaan Cigalle ,ayaa loo heystaa in ay toogteen, Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed , oo si wada jir ah ugu safrayay Wadddada Afgooye, 25-kii Septembar, Sanaddii 2018.

Marqaatiyaasha ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in uu dilka geystay Ex-Dable Xoogga, Xasan Maxamed Cabdulle, halka Dable Xoogga , Maxamed Cadaan Cigalle uu isna lahaa ammarka iyo Qoriga wax lagu dilay, xilli uu Wadaha Gaariguna oggolaaday in uu bixiyo Lacagta sharci darrada ah ee ay weydiisteen Dableydu.

Guddoomiyaha Maxkamadda Derejada Koobaad ee Ciidanka qalabka sida, G/Sare, Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa u sheegay dhamman dhinacyada dacwadda ay quseyso in  Dable Xoogga Xasan Maxamed Cabdulle uu yahay dambiile galay dambiga lagu soo oogay, laguna xukumay dil toogasha ah oo ah qisaasta marxuumiinta , Saciid Jaamac Cabdi iyo Nuur Maxamed Axmed, halka  Dable Xoogga ,Maxamed Caddaan Cigale lagu xukumay Siddeed Sano oo Xabsi Ciidan ah.

Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay  ku dalban karaan rafcaan haddii aysan ku qanacsanayn xukunka Maxkamadda Darejada Koowaad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.