Home Afsomali Ehelada wariye Muqdisho ku xiran oo dowlada iugtu baaqay in dil uu...

Ehelada wariye Muqdisho ku xiran oo dowlada iugtu baaqay in dil uu u helo Xoriyadiisa

ehelada wariyaha la xiray oo warbaahinta Muqdisho kula hadlay ayaa xusay in wiilkooda lagula kacay dhowr xarig oo is daba joog ah taasi oo ay dhibsadeen

Maxmaed Cabdiwahaab Abuuja ayaa qoyskiisu sheegeen in loo diiday in la tuso loona sheego Dandiga loo heysto taasi oo ay ka waayeen laamaha amaanka

Hooyada dhashay Maxamed Caduwahaab oo saxaafada la hadashay ayaa ku catowday in wiilkeeda marba xabsi lagu sheego in uu ku jiro ayna ku jahwareertay raadintiisa taasoo ugu danbeytii warbaahita u marisay masuuliyiinta dowlada waxayna ku celcelisay in dib loogu soo celiyo Xoriyadiisa

Sidoo kale habaryarta wariyaha xiran ayaa faahfaahisay dhibaatooyinka uu wiilkoodu qabo

“Ilaa sadax jeer ayaa la xiray markastana waa la soo deynayey waxaana arintaa ka danbeeyo askari  ugu hanjabay in uu danbi ku soo oogayo si loo maxkamadeeyo ”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.