UNKNOWN APARTHEID!
XERADA XALANE EE QARAMADA MIDOOBAY degen tahay waxa ka soo yeeraya cabasho isa soo tareysa oo dadka Soomaalida ku eedeynayaan shaqaalaha cadanka inay kula kacayaan falal isu jira midabtakoor, erayo deeqaafa iyo jiir-nac.
Eedaas waxaa baraha bulshada ku kulanto soo gelisay haweneyda lagu magacaabo Fadumo Dayib Qassim oo dawladda Somalia uga wakiil ahayd Qaramada Miidoobay gaar ahaan arrimaha dumarka.
Marwo Fadumo oo ah hooyo Soomaali oo caruur heysato waxay sheegtay inay u adkeysan weysay dhaqan xumada lagula kacay sidaana ay isaga casishay jjagada ay halkaa ka heysay.
Dadka Soomaalida oo halka hawlaha u taga waxay isugu jiraan rag iyo dumar waxayna qaarkooda igu taliyeen inay isaga adekysto oo aan u dul qaato ihaanada iyo dhag-xumada lagu hayo Soomaalida ah. Cunsuriyiinta cadaanka waxay qaar igu si toos ah igu dheheen: ”Isaga tag meeshaan lagagama baahne”.
Faduma waxay ballan qaaday inay baraha bulshada soo dhigi doono xog fool xun oo musalsal ah ee xerada Xalane ka dhacaya lagulana kaco dadka Soomaalida.
Sida la og yahay warbaahinta DALSOOR ayaa hadda ka hor shaacisay qoraal soo gaaray oo Ergada Midowga Yurub ay ku caddeyneyso in xerada aanan loo oggoleyn inay ka shaqeyeen dadka Soomaali u dhashay xitaa haddii ay heystaan dhalasho dal shisheeye.
Xukuumada Somalia waxa looga fadhiya inay arrintaas u dirto guddi soo baara xaqiiqda eeda ay Marwada Soomaaliyeed u jeedisay dhaqan xumada ka socota Xarunta Xalane oo cadaanku kula kacay dadka Soomaaida oo dalkan iska leh.
Dadka kala ee Soomaalida ee ”Ururada Bulshada Madaniga” ee halka kaalmada ‘Hay’adahooda’ u doonta kama gilgishaan arrimaha foosha xun ee halka ka dhacaya ayago, bey tiri, dhowranaya dhaqalaha ay ka qataan iyo gunnada DSA oo dibedda safarada loo aado.
Faduma Dayib Qassim