Home Afsomali Faahfaahino dheeri ah oo laga helayo dadkii ku dhintay iyo kuwo la...

Faahfaahino dheeri ah oo laga helayo dadkii ku dhintay iyo kuwo la la.yahay Dooni ku rogmatay Wabiga Baladwene ee Gobolka Hiiraan

Dooni ay saarnaayeen 13 qof ayaa ku rogmatay magaalada Beledweyne, oo fatahaad xooggan uu ka sameeyey webiga Shabeelle,waxaana jira dhimasho ka dhalatay doontaas.

10 ka mid ah dadkaas ayaa la la’yahay, waxaana ka bad-baaday saddex qof oo ay ku jirto duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale, iyo gudoomiyihii hore ee gobolka hore Cabdifatax Afrax.

Duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale ayaa sheegtay in saakay ay u soo baxeen inay gurmad ahaan u tagaan deegaanka ceel-Jaalle,hayeeshee ay musiibadaasi ay qabsatay.

Iyada oo la hadleysay warbahinta ayey sheegtay in ay dhinteen 10 qof oo isugu jiray mas’uuliyiin iyo dad Shacab ah,isla markaana dadkaasi weli aan la helin meydkooda.

Khasaaraha kala duwan ee doontasi qalbantay ka dhalatay iyo saameynta uu geystay fatahaada uu Wabiga Shabeelle ka sameeyey Magaalada Baladweyne ayay sharaxaad ka bixisay Duqa degmada Beledweyne Safiyo Xassan Sheekh Cali Jimcaale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.