Home Afsomali Faalo uu ka qorey Elmi Osman Boodhari Meeqaamka Gobolka banaadir

Faalo uu ka qorey Elmi Osman Boodhari Meeqaamka Gobolka banaadir

Muqdisho Ma Aqbali Doontaa Mudnaan La,aan
Iyo Marin Haboowshe Warkiisa ?

Waxaan ahay gobol da’weyn
Geyiga soomaaliyeed
Ka gees iyo ilaa ka gees
Ummadda Gogol baan u ahay
Anoo aan gabin xilkii
Geyfnaantii weli ku jira
Maxaad ii gaasirteen ?

Waxaan ahay gobol furfuran
Gobnnimo ku abuuran tahay
Martida aan Hagar ka gelin
Gasiin iyo gacan u hura
Gacalo lagu wada yaqaan
Anoo danta guud u kacay
Maxaad ii gaasirteen ?

Waxaan ahay gobolka qura
Ee aan golayaasha sare
Qof uu geeystaba ku jirin
Gunnada lagu cunahayana
Garoonkiyo xeebta iyo
Ganacsatadeeyda iyo
Guryaha igu yaal ka timid

Waxaan ahay gobolka weyn
Halkii gobollada yaryari
Taladu u gaar tahoo
Iyagu is guddoomiyaan
Aniga waa la I gundhiyey
Guudkaa layga maamulaa
Maxaad ii gaasirteen ?

Geesigii ii Soo baxaba
Halkuu geeddiga u yahay
Isaga oon gaarin weli
gacmaha inta laga xirxiro
Gar eexeed lagu casilo
Maxaad ii gaasirteen?

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.