Xarunta Wasaarada Gaashaandhiga ee magaalada Muqdisho waxaa xiligan ka socota Munaasabad balaaran oo lagu xusayo 12-ka April oo ah sanad guuradii 57aad ee ka soo wareegtay markii la aas aasay Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya.
Munaasabada waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo , Ra’isul Wasaare Xasan Cali Kheyre , Wasiiro, Xildhibaano katirsan labada Aqal, Saraakiil ciidan iyo Marti sharaf kala duwan.
Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Kheyre ayaa ku sugan munaasabada iyaga oo xiran dareeska ciidanka gaar ahana kan milatariga Soomaaliya, waxaa sidoo kale munaasabada ku sugan masuuliyiin kale oo katirsan dowlada oo iyana maanta soo xirtay dareeska Milatariga.
Fanaaniinta Qaranka ayaa heeso u badan wadani ka qaadaya Munaasabada xiligan ka socota Wasaarada Gaashaandhiga, waxaana la arkayay Madaxweyne Farmaajo oo fanaaniinta dhaxda ka galay lana qiirooday heesaha la qaadayo qaarkood.
Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa la filayaa in khudbado ka jeediyaan musaanadan lagu xusayo aas aaska ciidanka Xooga Soomaaliyeed, waxaana munaasabada maanta ay tahay mid si heer sare ah loo soo agaasimay.
Amaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana maanta xiran inta badan wadooyinka magaalada Muqdisho, ciidamada amaanka ayaa lasoo dhoobay wadooyinka magaalada Muqdixsho si ay amaanka u xaqiijiyaan inta ay munaasabada socoto. By wariye Abuukar Gaab
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0