Saraakiil sare oo ka socota dalka itoobiya oo aay hor kacayaan General Tesfaye, iyo General Xaaji ayaa gaaray magaalada Beledweyne
Safarka saraakiisha ayaa ku qotama sidii ciidanka Itoobiya dhankooda uga qeyb qaadan lahaayeen howlgalka ka dhanka AS ee ka socda gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka Shabeelle Aadan Axmed Sooyaan ayaa qeyb ka ah wafdiga saraakiisha ah ee maanta gaaray magaalada Beledweyne.
Ciidamada Itoobiya ee ka baxsan ATMIS ayaa dhawaan la filayaan in aay soo gaaraan gobolka Hiiraan si aay howlgalka uga qeyb qaataan, kuwaasi oo haatan dhaq-dhaqaaaqyo ciidan ka wada deegaanno dhaca xuduudka.