Home Afsomali Farmaajo oo barakacayaal u qeybiyey Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, una...

Farmaajo oo barakacayaal u qeybiyey Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, una duulay dalka Ethiopia ( DAAWO SAWIRADA )

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa  kormeeray qaar ka mid ah xeryaha ay ku nool yihiin dadka soo barakacayaasha ee magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwa degan beertii daraawiishta oo ku dhow xarunta Madaxtooyada.

Kormeerkan ayaa la xiriiray hubinta xaaladda nololeed ee dhabta ah oo ay ku sugan yihiin Barakacayaasha ku sugan gudaha iyo hareeraha magaalada.

Madaxwayne Farmaajo ayaa isagoo tixgalinaya xilli roobaadka la guda galay wuxuu u qaybiyay Barakacayaashaasi aan haysan hoyga Bacaha roobka laga galo iyo Bustayaal, taasoo ay si aad ah ugu diirsadeen.

Farmaajo ayaa booqday barakacayaashan wax ka yar ka hor inta aysan isaga iyo wafdi uu horkacayo u duulin magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya ka dib casuumaad uu ka helay madaxda dalkaas.

Dhanka kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa  u duulay magaalladda Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.

Madaxweynaha ayaa Booqashadiisa waxaa ay tahay mid hal maalin ah, waxaana uu martiqaad rasmi ah uu ka helay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn.

Waa safarkii ugu horeeyay ee uu ugu ambabaxo dalka Itoobiya tan iyo markii loo doortay xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo, ayaa dalka dibadiisa u safray  6 jeer tan iyo markii la doortay 8-dii bishii February.



Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.