Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweysay ciidamo ka tirsan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor, kuwaas oo tababar casri ah ku soo qaaday gudaha dalka Turkiga.
Ciidamadan ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ku soo dhoweeyey taliyaha ciidamada dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, wuxuuna u jeediyey khudbad dar-daaran ah oo ku aadan howlaha shaqo ee ay qaban doonaan.
Biixi waxa uu shaaca ka qaaday in ciidamada oo qeyb ka ah ururka 9-aad ee kumaandooska Gorgor inay ku biiri doonaan howl-gallada haatan ka socda dalka.
Taliyaha ciidanka dhulka ayaa xusay inay ku kalsoon-yihiin tababarka lasoo siiyey ciidamadan, wuxuuna tilmaamay in looga baahan yahay inay u shaqeeyaan dadkooda.
Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga oo soo tababartay ciidamada, sida ay marweliba u garab taagan tahay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyey xooga saaray dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka, waxaana tababaro kala duwan uu ku siiyaa Soomaaliya iyo xeryo ku yaalla dalkaasi.
Si kastaba, soo dhoweynta loo sameeyey ciidamadan cusub ee loo soo tababaray dowladda Soomaaliya ayaa ku soo aadeysa, xilli haatan dalka uu jiro marxalad adag oo kala guur ah, kana dhalatay daaha doorashooyinka oo ay weli isku hayaan mucaaradka iyo dowladda.
Muuqaalka hoose ka daawo
https://youtu.be/pLXq9jrx5d0
https://youtu.be/fWhCAg20krw
https://youtu.be/kaqe4Fo61zE
https://youtu.be/2n-XBrDGQ1o
https://youtu.be/S4pRnO-yRXM
https://youtu.be/SOdydJtGlI8