Home Afsomali Full VIDEO Cududda ciidan ee Somaliland

Full VIDEO Cududda ciidan ee Somaliland

https://youtu.be/o5IwS96X-80

Madaxweynaha  Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta kormeeray kulliyadda tabobarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar ee deegaanka Darar-weyne oo ay ciidamada qalabka sidaa siyaabo kala duwan ugu soo bandhigeen cududdooda ciidan iyo saanadda ciidan ee ay haystaan.

Taliyaha ciidanka Booliska Somaliland, Sareeyo Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo madasha hadal kooban ka jeediyey, ayaa hoosta ka xarriiqay inay ka taliye ahaan ka go’an tahay horumarinta iyo dhisidda ciidanka Booliska oo kamid ah dhidibada waaweyn ee amniga qaranku ku taagan yahay.

,“Madaxweyne Ciidanka Boolisku waxa ay u diyaar garoobayaan inaannu isbeddel weyn samayno oo aanu soo saarno arday yaryar oo saraakiil ah, gaadiid badan oo taladaadii iyo maskaxdaadiina ay diyaar garoobeen, iyada oo ciidanka qaranku maanta naga caawiyo wax badan oo arrimaha gudaha ahna, insha Allah sannadka soo socda waxannu u diyaar garoobi doonnaa inuu ciidanka Boolisku uu ta gudaha ka adkaado aannu ciidanka Birmad ah oo adag aanu dhisno oo ciidanka Militiriga caawiya”

Madaxweynaha  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo hadal dhinacyo badan taabanaya ka jeediyey munaasibadda, ayaa ugu horrayn hambalyo guud u diray ciidamada kala duwan ee qalabka sida, gaar ahaan kuwa goobta kusoo bandhigay cududdooda iyo agabkooda ciidan, ardayda ku jirta Carbiska shaqo qaranka iyo weliba saraakiisha kala duwan ee halkaas lagu tabobaro.

Ugu horrayn madaxweynuhu waxa uu sharraxay ujeeddada booqashada uu ku tegay xarunta tabobarka ciidanka ee Cabdilaahi Askar, “Maanta waxa aan halkan u imi, maaddaama oo xanuunka jira ee COVID-19 dartii aynaan u samayn Karin dhoolla-tus ciidan oo ciidamada mid waliba halkiisa ku negaaday, waxannu door bidnay inaanu u nimaadno inay halkan joogaan ardaydii ku habboonayd inay metelaan ciidamada ee soo koroysay, haddii ay yihiin layli sarkaal iyo shaqo qaranba, iyo guuto kamid ah guutooyinka ciidanka oo qolada Taangiisteyaasha iyo Tignikadu ugu horreeyaan oo ahaa kuwii u diyaar garoobayey inay maraan sannadkan suuqyada magaalada,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu in waxyaabaha lagu barto kulliyadaha kala duwan ee ciidanka ay kamid yihiin sahaminta iyo hilaadinta maalmo ka wanaagsan kuwa haatan lagu jiro, iyada oo aan marnaba maanka laga saaraynin wixii shalay lasoo maray, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Halkan waxa lagu bartaa higsiga Berrito Somaliland tan maanta ka wanaagsan, iyada oo aan la ilaaweynin wixii shalay dhacay, haddaad raadiso uun berrito oo wacan oo waxyaabaha qaarkood aad laacdo adiga oo illaawey wixii shalay kusoo maray iyo wixii dhacay, khalad baad gelaysaa, markaa waxa lagu tabobaraa halkan qofku inuu horumarka noloshana higsado, islamarkaana uu ogyahay wixii shalay dhacay oo uu labada isku xidho, markaas ayuu noqon karaa, sarkaal, Askari iyo muwaaddin dalkiisa iyo dadkiisa anfaca oo wax walba u qabta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.