Home Afsomali Full VIDEO Musharax Madaxweyne ahne Xildhibaan ka tirsan golaha barlamaanka Xildhibaan Fowsiya...

Full VIDEO Musharax Madaxweyne ahne Xildhibaan ka tirsan golaha barlamaanka Xildhibaan Fowsiya yuusuf Xaaji Adan oo weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho

Musharax Madaxweyne ahne Xildhibaan ka tirsan golaha barlamaanka Somalia .

Xildhibaan Fowsiya yuusuf Xaaji Adan oo weyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Muqdisho
Waxaana soo dhaweynteeda ka qeybgalay Musharaxiin madaxweyne Xildhibaano wasiiro ururada dhalinyarada haween  xubnaha Xisgieeda NDP suldaano cuqaasha dhaqanka qeybaha kala duwan ee bulshada iyo marti sharaf kale oo Munaasibada lagu Casuumay kuwaas oo ruxayey caleemo qoyan iyo sawiradeeda

waxayna taageerayaasheedu ku dhawaaqayeen ereyo dhiiri galin iyo amaan iskuugu jiray
Musharax Xildhibaan Fowsiya Xaaji Yusuf ayaa Qolka Martida VIP ee gudaha Garoonka Muqdisho kula hadashay Warbaahinta ayaa soo hadal qaaday dhibaatooyina abaraha iyo colaadaha is biirsaday ee dalka ka jira.
Musharax Madaxweyne ahne Xildhibaan ka tirsan golaha barlamaanka Xildhibaan ayaa u mahadcelisay dadkii ka qeybqaatay Soo dhaweynteeda loogu sameeyey Muqdisho.
Sidoo kale waxay u mahadcelisay dadkii ku soo dhaweeyey Yurub mareykan iyo Qeybo wadamada Africa ah oo ay gaarsiisay ololaheeda kambeynka ah waxayna ugu mahadcelisay soo dhaweyntii diiraneyd ee ay u sameeyeen jaaliyadihii ay dalka dibadiisa kula kulantaya.

Xildhibaan Fowsiya Xaaji Adan ayaa dalka Soo qabaty Xilal kala duwan ka soo qabatay sida raiisal wasaare ku Xigeen iyo Wasiirka Arimaha Dibada iyo madaxweynaha Xisbiga NDP ahna Gudoomiyaha isbaheysiga Hiigsi oo ay ku mideysan yihiin ilaa 11 Xisbi siyaasadeed

Muuse Maxsmuud Jiisow

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.