Home Afsomali Full VIDEO Nin laba Carruur ah oo Xaaskiisu dhashay Muqdisho ku...

Full VIDEO Nin laba Carruur ah oo Xaaskiisu dhashay Muqdisho ku dilay

Nin laba Carruur ah oo Xaaskiisu dhashay Muqdisho ku dilay

Meydka labada Carruurta ah oo muddo saacado ah la’aa kalana ahaa Wiil iyo Gabar ayaa waxaa lagu arkay Xaafadda Jaamacadda Shabeelle oo ka tirsan degaanka Garasbaaleey ee deegfaanka weydow ee duleedka Magaalada Muqdisho.
labada Carruurta oo da’doodu kala tahay 7 jir iyo Shan jir ayaa waxaa ku yaallay dhaawacyo kala duwan, waxaana goobjoogayaal sheegeen in mid xarig lagu ceejiyey halka midka kale ilkaha ay ka daadsanaayeen.wararr kale ayaa tibaaxaya in Carruurta la daldalay kadibna Afka Carro looga shubay
Qaar kamid ah Ehellada Hooyada dhashay Carruurta ayaa waxaa ay Warbaahinta u sheegeen in Carruurta adeeg looga diray Suuqa balse saacado badan ay maqnaayeen kadib saaka, iyaga oo si xun loo dilay laga helay meydkooda meel u dhow Gurigooda oo ku yaal deegaanka weydow KM 13 .
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in dhacdadaan Carruurta lagu dilay ay aad uga naxeen, isla markaana lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay Adeerkood qaba Hooyadood.
Wararka laga helay laamaha Amniga ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya ay tageen goobta ay wax ka dhaceen, isla markaana ay xireen Ninka lagu tuhmayo dilka labada Carruurta ah, balse aan weli la faah faahin sababta ku kaliftay in uu Carruurtaasi dilo.
Dhacdooyinka dilalka ee layaabka leh ayaa kusoo batay dalka bilihii la soo dhaafay, waxaana todobaadkii hore ay aheyd markii Haweeneey uu Ninkeeda ku dilay Xaafad ka tirsan degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir.halka isla saakana degmada dayniile la soo dhigay meydka asakri la rumeysan yahay in qorigii uu sitay laga dishay kaasi oo ku labisnaa dareyska Ciidamda dowlada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.