Munaasibada lagu furayey tartankaan ayaa waxaa ka soo qeybgalay wasiirka wasaarada dhalinyarada iyo cayaaraha khadiijo Maxamed Diiriye taagerayaal iyo gudoomiyayaal isport iyo qeybaha kala duwan cayaartoda dalka
Wasiirka wasaarada dhalinyaradkhadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in furtanta feerka uu furan yahay .
Waxaana lagu furay ilaa lix dhalinyaro ah kuwaas oo feer aan xanaag laheyn iskala daalay natiijada ka dibna isla halkii iskuugu hambalyeeyey .
Mid ka mid ah cayaartoydii hore ee feerka oo mudo ka dib dalka dib ugu soo laabta ayaa tilmaamay sida uu ugu faraxsan yahay
Cawil Geelle Axmed oo ah gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xariirka feerka Somaliyeed ayaa bulsho tv uga warbixiyey xeerka uu soo maray tartanka feerka iyo xiligii dalka ugu danbeysay
Qaar ka mid ah dhalinyaradii tartanka ka qeybqagashay ayaa uga ka hadlay dareenkoda ku aadan dhanka feerka
Dagaalka feerka ee Jugta Culus ayaa dib uga bilowday dalka Somaliya ka dib 30 sano waxaaana mid walbo oo cayaartoyda ferka ah la socday dhaqtar xaga caafimaadka ah kaasi oo markasta hubinaayey xaalada caafimaadkiisa .
Waxaana mid kastaahi islu haleynayey aqoonta uu feerka u leeyahay