Gudiga Gaadiidleyda ee daabulka Muqdisho ayaa sheegay in ay u afduuban yihiin shaqsiyaad dano gaar ah leh
Waxayna Muqdisho ka sameeyeen isu soo bax nabadeed oo ay arintaa kaga cabanayaan
Qaar ka mid ah milkiilayaasha gaadiidka waaweyn oo banaanbaxa ka qeygalay ayaa faahfaahin ka bixiyey dhibka ay ku qabaan in ay gaadiidkooda uga shaqeystaan gudaha dakada iyo cida ka danbeysa
Gudiga ayaa ugu danbeyntii soo saaray warsaxaafadeed iyo baaqyo kala duwan
madaxweynaha ayey ugu baaqeen in arintaa uu waxka qabto hadii kale ay dalka isaga tahriibayaan ka dib markii ay ku shaqeysan waayeen hantidooda iyo sidoo kale gaadiidkooda
Cabdulaahi Cali faarax “inta dalka lagu burburiyo sida hubka sharci darada ah qamria raashinka iyo dawada dhacday waxaa soo qaada waa iyaga “
Dowladii hore ayaa u sharciyeysay Gaadiid ay leeyihiin in ay kaligood shaqeystaan
Milkiilayaasha ayaa cabasho ka muujiyey qaabka Musuqmaasuq ee ay u shaqeeyaan oo gaadiidka qaarkii uu ku galo si madaxbaani ah halka inta kale aanba loo aqoonsaneyn in ay yihiin wax jira
Qaar ka mid ah gaadiidleyda ayaa si caro leh cod ku sheegay in ay dalka isaga tahriibayaan hadii cabashadooda wax laga qaban waayo .
Qaar ka mid ah dadkii hadlay ayaa sheegay in ay joogto dakada uga shaqeeyaan ilaa 17 gaari oo ay leeyihiin dad qaas ah waxaana dakada ka diiwaan gashay todobo kun oo gaadiid kala duwan ah kuwaas oo dkada xamuulka ka soo daabula
Mid ma kid ah Milkiilayaasha gaadiidka ayaa ku calaacalay in gaarigiisu gali Karin albaabka dakada sidaana ay shaqo la,aan ugu dhacday haatana uusan heysan xita bariga gaariga iyo taayarada wax uu ku iibsado carurtiisiina ay biil ka sugayaan
Maya yara cabashooyinka ka imanaya maamulada heyadaha dowlada bulshaduna waxay la mid Noqotay hashii laba midig dhaamiyey dhana uma fayooba.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0