xili ciidanka dowladu ilaa 4 laab uu ka tira badan yahay kuwa Alshabaab ayaa hadana waxaa jira caqabado waaweyn oo an laga aamusi karin waxaana ka mid ah in madaxda dowlada iyo masuuliyiinta sheegato in ay shacbiga xilal u ahaayaan aysan mari karin wadooyinka caadiga ah una kala gooshi karin min magaalo ilaa degmo waana awood dari iyo kalsooni la,aan lagu qabo ciidamada dowlada
hadaba Qaban qaabo lagu soo dhaweynaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa ka socota Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed, halkaasi oo lagu wado in saacadaha soo socda uu tago Ra’iisul Wasaare Kheyre.
Xasan Cali Khayre iyo xubno ka mid ah Golihiisa Wasiirada Soomaaliya ayaa lagu wadaa inay ka ambabaxaan Magaalada Muqdisho, kadibna ay ka dagaan Magaalada Baydhabo.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa si wayn loo adkeeyay, waxaana amniga iska kaashanaya ciidamada Amisom iyo kuwa Koonfur Galbeed
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa shalay diyaarad milataru oo gaar ah ku gaaray Magaalada Baydhabo, si uu qayb uga noqdo xubnaha maanta soo dhaweynaayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.
Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay Ra’iisul Wasaaraha markii uu tago Magaalada Baydhabo inuu kulamo kala duwan la soo qaadan doono masuuliyiinta Maamulka Koonfur Galbeed.
Garoonka Shaati Gaduud ee Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku sugan xubno ka tirsan Ururada rayidka Maamulka Koonfur Galbeed oo loo diyaariyay soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha Somaliya
si kastaba ha ahaatee ma jiro masuul ku dhiiran kara in uu gaari ku gaaro magaalo ka baxsan Muqdisho waana ayaan daro intaada la eg