.
Wariyaasha ka shaqeeya Idaacadda Codka Ciidamada Ee Magaalada Muqdisho ay xarunteeda tahay ayaa sheegay in ay ka Cabanayaan Xaquuq Mudo aad u dheer ka maqan.
Saxafiyiinta Radio Codka Ciidamada Qalabka sida ayaa sheegay in Mudo Sagaal Bilood ah aysan qaadan Wax Mushaar ah islamarkaana aysan Ogeyn Cidda Cuntay Mushaarkooda.
Wariye Maxamed C/llaahi Shilaawe oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in aysan wax Mushaar ah helin Mudo ku siman Sagaal Bilood,waxaana ay Codsadeen in Dowladda Dhexe ay wax ka qabato Dhibaatada haysata.
“Taliska Ciidamada Xoogga waxaan u sheegnay in Mushaaraadkeenii uu naga maqan yahay ku dhawaad 10 Bilood,waxaa ay noo sheegeen in Dhankooda aysan ku Maqneyn wax Xaquuq ah,marka ma garaneyno Cidda Cuntay Xaquuqdii aan laheyn”ayey yiraadeen Wariyaasha Cabashada dhigay.
Todobaadkii hore ayey aheyd Markii Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka Soomaaliya oo Mushaar la’aan ka Cabanaya ay Xireen Wasaaradda Gaashaandhigga iyo qeybo ka mida Jidka Warshadaha.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view