https://www.facebook.com/watch/?v=949178465568326
Raiisal wasaare ku xigeenka Xukuumada FD Somali Mahadi Maxamed guleyd qadar ayaa u kala wareejiyey xilalakii wasiirkii hore ee wasaarada ganacsiga iyo warshadaha iyo wasiirka cusub ee wasaaradaasi
Munaasibadaan oo iskuugu jirtay sogootin iyo soo dhaweyn ayaa
ka soo qeybgalay wasiiro xildhibaanao shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaas iyo xubno kale
Wasiir ku xigee khadar ayaa warbixino ka dhagestay qaar ka mid ah shaqaalaha oo xubno ka mid ah la gudoonsiiyey shaqaado sharaf ay ku muteysteen howlkarnimo dheeraad ah
Isaga oo xilwareejinta ka sheegay in xilku yahay qorey isu dhiib
Ugu horey waxaa hadal dardaran iyo mahadcelin ah ka soo jeediyey wasiirkii hore ee ganacsiga ee la sagootinayey wasiirka cusub ee la soo dhaweynayey iyo kahliif cabdi cumar oo shaqo wanaag ku amaanay wasiirkii hore isla markaana uu sheegay in ganacsatada soomaaliyeed uu gacmo furen ku soo dhaweynayo fikradahooda iyo afkaartoo wuxuuna u balan qaaday in uu sinaan iyo cadaalad ku dhaqi doono