Home Afsomali Full VIIDEO Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar Deg Deg ah siiyay Guddiga...

Full VIIDEO Ra’isul Wasaare Rooble oo Amar Deg Deg ah siiyay Guddiga Doorashada Heer Federaal

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa faray Guddiyada Doorashada Heer Federaal iyo Heer Dowlad-goboleed in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka.

Rooble ayaa u sheegay Xubnaha guddiga doorashada in dib u dhac balaaran ku yimid doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxa uuna ugu baaqay in ay soo gebo gebeeyaan doorashada ugu dambeyn dhammaadka bisha December 2021.

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaa wax badan dib uga dhacday waqtigii loo qorsheeyay, waxaana doorashadan oo dhawaan ka bilaabatay magaalada Muqdisho lagu doortay labo Xildhibaan oo kaliya.

Musharaxiinta Mucaaradka ayaa ku eedeeyay guddiyada doorashada, Xukuumada iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka in ay ka shaqeenayaan dib u dhac dheer oo ku yimaada doorashada lagu heshiiuyay .

Doorashada Xildhibaanada golaha shacabka ayaana la filayaa in dhawaan ka bilaabato dowlad goboleedyada dalka, waxaana doorashadan laga cabsi qabaa in bilooyin badan qaadatao sida doorashada Aqalka Sare oo kale.

https://youtu.be/Y_cHylcPlPk

https://youtu.be/3MQIGAfUvLU

https://youtu.be/yWrHSQcZPSE

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.