Home Afsomali Gaadiid rar sahay sida oo ku xayiran duleedka degmada daafeed ama Walanweyn...

Gaadiid rar sahay sida oo ku xayiran duleedka degmada daafeed ama Walanweyn & xiisad ka taagan

Waxaa Maanta xiran isku socodka dadka iyo Gaadiidka ee wadada xiriirisa Magaalada Muqdisho iyo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Tallaabadaan ayaa waxaa la sheegay inay ka dambeeysay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay Isbaaro dhigtay Tuulada Sharay ee duleedka degmada Walanweyn, iyaga oo diiday in wadada la maro.

Goobjoogayaal ayaa somalisan u sheegay in tuulada sharay ay ku xayiran yihiin Gaadiid farabadan oo isugu jira kuwa xamuulka qaada iyo kuwa rakaab u  wada Muqdisho iyo Beydhabo iyo qaar kabaxay Degmada Wanlaweyn.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in sidoo kale Isbaaro horleh la soo dhigay dhanka Galbeed ee degmada Walanweyn, taas oo Gaadiidka lacag looga qaadayo, waxaana mas’uuliyiinta Maamulka degmada ay sheegeen in Isbaarooyinkaas ay yihiin kuwo sharci darro ah.

Xiisadaan ka taagan duleedka degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kusoo aadaya xilli uu khilaaf weli u dhaxeeyo guddoomiyaha degmada Walanweyn Cabdixakiin Cabdullaahi iyo kuxigeenkiisa arrimaha Bulshada Haashim Maxamed Xasan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.