Home Afsomali Gaari dagaal oo lagu gubay Dagaal Ciidamada dowlada Muqdisho ku dhaxmaray

Gaari dagaal oo lagu gubay Dagaal Ciidamada dowlada Muqdisho ku dhaxmaray

Dagaal xoogan oo magaalada Muqdisho dhaxmaray  ciidamo ka wada tirsan dowladda.

dagaalka ayaa u dhaxeeya ciidamada booliska iyo milatariga uu ka socdo agagaarka isgoyska Maanaboolyo ee degmada Shibis.

iska hor-imaadka ayaa ka dhashay kadib markii ciidamada milatariga oo ka yimid gobolka Shabeellaha Dhexe loo diiday in ay maraan waddada.

Ciidanka Booliska ayaa la sheegay in ay u sheegeen in lagu amray in aysan soo soo gudbin wax ciidan, islamarkaana aysan amar u heysan in ay sii daayaan, waxaana taasi ka diiday ciidanka milatariga, ayada oo kadibna rasaas la isku billaabay.

Warar ka qaar ayaa sheegaya in uu gubanayo mid ka mid ah gaadiidkii dagaalka.

khasaare dhimasho iyo dhaawac weli cid ka hadashay ma  jirto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.