Home Afsomali Galmudug oo weli loogu geeriyoonayo gaajo iyo haraad

Galmudug oo weli loogu geeriyoonayo gaajo iyo haraad

Deegaanada galmudug oo weli loogu geeriyoonayo gaajo iyo harald

Dad horleh oo gaajo & Haraad ugu geeriyooday degaano ka tirsan Galmudug

Waxaa lagu soo warramayaa in ugu yaraan 6 qof ay abaar darteed ugu dhinteen gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug.

Abaartani ayaa sidoo kale galaafatey duunyo farabadan  halkaasi kunooleyd, kuwaas oo dadkii lahaay ay u waayeen wax ay siiyaan.

Shacabka ayaa u qaxay deegaanada qaar oo ay ka da’een roobab yar, inkastoo la sheegay inaysan ku filnayn biyaha iyo baadka.

Guddoomiyaha gobolka Mudug ee dowlad goboleedka Galmudug, Cabduraxmaan Cali Diiriye (Isxal), ayaa ku nuux nuux sadey abaarta sanadkani dhacdey iney tahay mid waxyeello weyn u geysatey dad iyo duunyaba.

Wuxuu ugu baaqay Madaxda Dowladda Soomaaliya igo Maamulka Galmudug inay dadkaasi gurmad deg deg ah la soo gaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.