Home Afsomali Ganacsatada kenya oo ka cabaneysa sababta jaadkooda Muqdisho loogu gubayo midka Ethiopiyane...

Ganacsatada kenya oo ka cabaneysa sababta jaadkooda Muqdisho loogu gubayo midka Ethiopiyane sida cowskii loogu daaqayo

Beeraleyda iyo ganacsatada jaadka Miraa ee dalka Kenya ayaa  waxaay madaxweynahaa dalkaas Uhuru Kenyatta ku cadaadinayaan in uu si dhakhso leh ula xaajoodo Dowladda Soomaaliya si loo bilaabo dhoofinta jaadka  si loo yareeyo dhibaatada dhaqaale ee ka jirta aagagga uu ka baxo jaadka.

Guddoomiyaha Ururka Beeraleyda iyo Ganacsatada  degaanka Nyambene Miraa, Kimathi Munjuri wuxuu sheegay in Soomaaliya ay tahay suuqa ugu weyn ee loo iibgeeyo qaadka Miirowga’, oo maalin kasta la soo dejiyo celcelis ahaan 50 tan oo qiimihiisu yahay qiyaastii  16 milyan oo Shillinka Kenya ah..

“Qiyaastii 5 bilyan oo Shillinka Kenya ah, oo laga heli lahaa jaadka Miirowga ayaa luntay 10-kii bilood ee la soo dhaafay, waxaana horay jaadka ula wadaaji jirnay  ganacsatada Soomaaliya, kuwa wax ka dhoofiya Nairobi, Waxaan ka codsaneynaa madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta inuu naga caawiyo arintaan, ayuu yiri Mr Munjuri.

Tan iyo markii uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay joojisay jaadkii ka imaan jiray Kenya, wallow sababaha loo joojiyay ay dowladda ku sheegtay inay tahay ka hortagga Coronavirus, balse la aaminsan yahay inay tahay Arrimo siyaasadeed.

Jaadka Miirowga ee ka baxa dalka Kenya ayaa maalin walba waxa si dhuumeelysi ah lagu soo geliyaa Magalada Muqdisho, iyada oo doon lagu keeno xeebaha Muqdisho, waxaana dhowr jeer ay Booliska Soomaaliya meel fagaaro ah ku gubeen jaad farabadan oo laga keenay dalka Kenya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.