Madaxda Urur Gobolkeedka IGAD ayaa sheegaya in Gen. Gabre Egzabiher Alemseged laga qaaday xilkii.
kulan dagdag ah oo ay iskuugu yimaadeen wadamada xubnaha ka ah urur Goboleydka IGAD ayaa qodobadii laga soo saaray waxaa ka mid ahaa in xilalkii laga qaaday jen gabre iyo walkiilkii ururka ee arimaha somaliya Maxamed Cabdi Afey
Gabre Egzabiher Alemseged ayaa ka mida ahaa saraakiishii Ciidamada Ethiopia ee howlgalada ka wada gudaha soomaaliya in ka badan 20 sanadood
mar kala soo tago Gabre bedelka Gabre ayaa waxaa muuqata in uu dalka ku dhaxbeertay gabre yaal badan oo dusha somali ka ah dowlada Ethiopiyana uma dhutin doonto ayuu yiri mid ka mid ah dadka siyaasada indhaindheeya
Soomaali badan ayaa dhowr mar ku taliyey in arrimaha Soomaaliya laga saaro Jen Gabre Egzabiher , iyagoo marka ku eedeynaya inuu si hoose u farageliyo arrimaha quseeya Soomaalida.
Inta uu jogay waddanka wuxuu noqday qof caan ah oo dhammaan Soomaalida ay magac garanayaan, wuxuuna wehel iyo ku weyl Noqday madaxdadii iyo hogaamiyeyaashii dalka soo maray xiliyadii danbe ilaa markii danbe Xafiiska IGAD ee Muqdisho uu xaqiijiyay sarkaalkan inuu ka tirsanyahay.
Colonel Gabre Egziabher ayaa dib uga howlgali doona laamaha sirdoonka Ciidamada difaaca qaranka Ethiopia, waxaana muddo ku dhow seddex sano lagu arkayay madallada siyaasadda iyo ammaanka Soomaalida, taasi oo u fududeysay xafiiska uu ka shaqeynayay.
Colenel Gabre ayaa wajahaya eedeymo ku tumasho xuquuqda aadanaha iyo musuq maasuq mudadii uu ka mid ahaa hoggaannada ugu sarreeya ciidamada Ethiopia ee howlgallada ka fulinayay Magaalada Muqdisho sanadihii 2006, 2007, 2009.
BREAKING:Enigmatic Ethiopian official Gabre Egzabiher (w pistol) who is dubbed as “the boss of Somali warlords” removed from Somalia affairs