Home Afsomali Golaha Wakiilada Puntland oo  kulan Diidmo ah ka leh xeerka Matalaada...

Golaha Wakiilada Puntland oo  kulan Diidmo ah ka leh xeerka Matalaada Gobolka Banaadi

Golaha Wakiilada Maamulka Puntland ayaa maanta oo Isniin ah Kulan deg deg ah ka yeelanaya Matalaadda Siyaasadeed ee la siiyay Gobolka Banaadir oo maalmo ka hor ay ansixiyeen Aqalka Hoose ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya.

 

Xildhibaanada Baarlamanka Puntland ayaa lagu wadaa inay soo saaraan go’aamo ay kaga soo horjeedaan Ansixintii Golaha Shacabka Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ay ku ansixiyeen in Gobolka Banaadir Aqalka Sare laga siiyo 13 xubnood.

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Shalay dood ka yeeshay sida Puntland ka yeelayso Go’aankii Baarlamanka Federaalku ay ku anisixiyeen Mataaladda Siyaasadeed ee Gobolka Banaadir ayaa dhaliilay qaabka loo maray.

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka Puntland ayaa shalay ku dooday in Hannaan qaldan loo maray Ansixinta Xeerka Mataalaadda Gobolka Banaadir oo 13 Senetor Aqalka sare ka siinaya caasimada dalka.

Madaxweynihii hore ee Puntland Sen Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo ka hadlay hanaanka Matalaada Gobolka Banaadir ayaa ku sheegay mid aan sharciga waafaqsanayn sida uu hadalka u dhigay, sidoo Madasha Xisbiyada qaran ku eedeeyay qaabka ay ugu hadleen matalaada gobolka.

Dhanka kale Xilldhibaano iyo Wasiiro la baxay Kudlada Sharci dhowr ayaa dhawaan sheegay inay ka soo horjeedaan sida loo maareeyay Matalaada Gobolka Banaadir oo ay ansixiyeen golaha Aqalka hoose ee Baarlamaanka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.