Home Afsomali Gowracida Saddexda Ruux oo ka dhacday Bakool

Gowracida Saddexda Ruux oo ka dhacday Bakool

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Bakool  gaar ahaan deegaanka Abal ayaa waxa ay sheegayaan in duleedka deegaankaasi ay Shabaab ku Gowaraceen Saddexda Ruux oo dadka deegaanka ka mid ahaa.

In kastoo aan sidhab ah loo ogeyn dadka la gowracay waxa ay ahaayeen ayaa hadana dadka deegaanka qaarkood wax ay sheegeen in ay ka mid ahaayeen Odayaal Dhaqameedyo si aad ah looga yaqaanay deegaanka Abal.

Dadkii ka dambeeyay dilka ama Gowraca Odayaashaas ayaa Goobta isaga tegay,iyada oo Meydka ay soo qaateen ehelada dadkaas.

Arrintaan ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhalatay xiisad iyada oo duleedka deegaanka Abal maanta siweyn looga hadalhayo Saddexda Oday ee lagu gowracay.

Deegaanka Abal ayaa waxaa dhowr mar ku dagaalamay ciidamada Wadaadka Muqtaar Roobow iyo kuwa Shabaab ah taas oo sababtay geerida Wii uu dhalay Muqtaar Rooboow,waxana jirin ilaa iyo hadda cid ka dhashay oo ka tirsan Maamulka Gobolka Bakool ee Koonfur Galbeed Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.