Guddiga difaaca ee baarlamanka Soomaaliya ayaa kasoo horjeestay qorshaha
dhismaha ciidamada qaran ee Soomaaliya ee dhowaan ay isku raaceen dowladda
federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.
Guddiga ayaa qoraal ay soo saareen oo ay u gudbiyeen guddoonka
baarlamanka ku sheegay in kadib markii ay darseen go’aanadii ay dowladda
federaalka iyo dowlad goboleedyada ku gaareen shirkii Muqdisho ka dhacay 15
illaa 16-kii April ay usoo baxday in qaabka ciidanka loo dhisayo uu yahay, sida
ay hadalka u dhigeen, mid lagu wiiqayo awooddii ciidanka xoogga dalka,
islamarkaana si ula kac ah awoodihii dawladda dhexe loo weecinayo dawlad
goboleedyada dalka ka jira, sida ay yiraahdeen.
“Tani waxay keeni karta in meesha laga saaro ciidamadii qaranka ee dawladda
dhexe maamulkeeda dastuurka dalku siinayay” ayaa lagu yiri qoraalka.
Waxa kale oo ay sheegeen in qorshaha dib u qaabaynta cusub ee ciidanka xoogga
dalka Soomaaliyeed uu ka mid yahay ajendayaasha shirweynaha Soomaaliya ee London
ka dhacaya 11 May 2017, waxayna ka digeen in haddii sida loo qoray qorshahan loo
qaato ay halis ku noqon karto helista ciidan summad qaran leh oo midaysan, ayna
adkaan doonto in dib loo dhiso.
Guddiga ayaa sidoo kale sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu qaybinayo awoodda
iyo talada ciidamada qaranka, ciidamada qarankana loo ekeysiinayo ciidamo qabiil
oo xuduudaha dawlad goboleedyadooda waajibkoodu ku eg yahay, sida ay hadalka u
dhigeen.
Dhinaca kale guddiga ayaa ku dooday in qodobka 54-aad ee dastuurka ee qeexaya
kala qeybinta awoodaha, gaar ahaan xarafkiisa (B) uu caddaynayo in difaaca
qaranku uu ka mid yahay awoodaha iyo mas’uuliyadaha dawladda federaalka ah oo
aysan ka mid aheyn waxyaalaha ay ka wada xaajoonayaan dawladda Federaalka ah iyo
dawlad goboleedyada.
Guddiga ayaa sheegay in qorshaha dowladda federaalka iyo dowlad gobleedyada ay
isku raaceen ee loogu magac-daray “Qaabaynta Amniga Qaranka” gaar ahaan qeybta
la xiriirta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed uu khilaafsan yahay Dastuurka.
Waxa ay sidoo kale ku doodeen in In qorshaha qaabaynta amniga qaranku uu u
muuqdo mid meelo kale laga soo minguuriyey, sida ay hadalka u dhigeen.
Waxay soo jeediyeen In hanaanka dib-u-qaabaynta ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliya ay hormuud ka noqoto wasaaradda gaashaandhigga iyo talisyada ciidan
ee hoos yimaada, loona madaxbaneeyo soo diyaarinta qorshaha dib u qaabaynta
ciidamada xoogga dalka, islamarkaana hogaamiyayaasha siyaasadda ee dowladda iyo
madax maamul goboleedyada ay faraha kala baxaan.
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0