Home Afsomali Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo xariga ka jaray wado...

Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal oo xariga ka jaray wado cusub oo laga dhisay Gaalkacyo ( DAAWO SAWIRADA )

Gudoomiyaha baarlamaanka galmudug Maxamed Nuur Gacal  oo ku sugan Magaalada Gaalkacyo ayaa waxa uu maanta xariga ka jaray waddo laami ah oo isku xirta cagaarweyne ilaa hotel five star taas oo dhawaan uu  dhagax dhigay madaxweynaha  puntland Saciid Cabdullaahi Deni.

xarig jarka waddadaan laamiga ah oo lagu dhisay mashruuca nabada iyo is dhaxgalka magaalada gaalkacyo ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaano ka kala socday puntland iyo galmudug,masuuliyiinta gobalka iyo kuwa degmada Gaalkacyo ee laba dhinac iyo qaybo kamid ah saraakiisha ciidamada  amaanka .

ku xigenka duqa degmada Gaalkacyo Cabdiraman_Maxamed iyo gudoomiyaha Dagmada galkacyo ee puntland Saahid Maxamed Cali ayaa  xarig jarka kadib waxa ay warbixin ka siiyeen  gudoomiyaha baarlamaanka galmudug mashariicda hormrineed ee ka socda magaalada gaalkacyo.

Guddoomiyaha barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal  ayaa kula dar daarmay in bulshada labada dhinac ay ilaaliyaan nadaafada iyo bilicda wadooyinka isagoo sidoo kale uga baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amanka.

“Waxaan bulshada uga baaqayaa inay la shaqeeyaan laamaha amaanka iyo sidoo kale inay ka shaqeeyaa nadaafada iyo bilicda wadooyinka maadaama ay dhismayaasha wadooyinka ay soo kordhinayaan isdhaxgalka bulshada iyo ganacsiga ayuu yiri guddoomiye Maxamed Nuur Gacal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.